Friday, February 29, 2008

Duulaankii Hagoogane 1921

Major Xaaji Muuse Faarax Igre

Qalcadii Taleex iyo Ciidankii u watay Adam Gib isagoo u la socodo Mahdi Cabdulle Xasan oo Daraawiishta ka soo hor jeestay maalimii ugu danbaysay. waa sawir laga qaaday Taleex isla maalintii la qabsaday, Ciidankaas aad arkaysaan waa ciidankii Adan Gib

Somaalidu inkastooy yihiin qawmiyad dhan oo dal madax banaan ku nool hadana waxay ka mid yihiin umadaa aan waxna qorin waxna akhriyin inta badan, oo jecel inay aduunkaba ku maqalaan "sheeko" dhagaana ku maalaan, umad dhan oo kor u dhaaftay 20 million hadana hal abuurkooda qalin fara ku tiris yihiin, somaalidu dhaqan ahaan ama wahsi haka ahaato ama dhaqan haka ahaatee cilmi kaste waxay jecelyiin in isagoo sida BBC u dhurmaya oo cod ah ay dhagaystaan.Waxad arkaysaa makhaayad magaalo ama waab miyi dadyow fara badan oo jaraaiid hor yaalo hal nina u tebinayo warka inta kale ee garab fadhida ayagoo mid kastaaba akhrisan karo hadna marna isku taxalijyeyn inay iskood u akhristaan ,waxay aad u xiiseeyan "waxan maqlay, ama igu maqaal ah" halkay umadaa aduunkaee hor maray aad u tix galiyaan "wuxu jaraaid heblaayo sheegay ama buug hebel qoray sida" ka dibna qoraal ahaan keydka taariikhida u galo. Aad ayay xataa u yartay qoraaga somali in buugaagtey qoreen somalidu iibsadaan ooy akhristaan.
====================================================================
Hadaynu nahay somali waxa inaga dhaadhacsan in dalka Ingriisku iska yimi awalna somalidu ahayd umad madax banaanayd, se ma ahayn taariikhdu sidaas.Somalidu waxay mar kaste ka soo qaataan Isiticmaarka Gaalka Cad markay ka hadlayaan Isticmaar, waxa se ka horeeyay Isticmaarkii Turkishka oo somalida iyo umada Muslinkaba ula dhaqmi jiray si kaba sii xun gaalada. Abd Al Qadir Pasha oo hogaaminaayay ciidamadii Turkishka ayaa 1867kii Berbera ka taagay calanka Turkishka oo hoos keenay Somalia mustacmarad Turkish empire , 1875kii na ilaa Harar ka taagay calankii Turkishka. Istcimaarka European ka 80 sanadood ayuu somalia ka arimanaayay Isticmaarkii Turkishkana muda intaas leeg ooy ugu dhanabaysay 1884kii Turkishka oo si toos ahugu wareejiyay xeebaa somalia Ingiriiska , waa midh ay somalidu badankood diraasad xumo awgeed ay u hilmaamaan mar kaste.
====================================================================
Sarkaalkii ugu horeeyay ee udubka u asla isticmaarka Ingiriiska Walsh, Langton Prendergast, 1889-1912 wuxu buugiisa Under the Flag and Somali Coast Stories si cad uga shekaynayaa siday Turkishku ula shaqeyn jireen Isticmaarka cusub ayagoo soo dhawaynaya , ilaa somalidii manduubka uga ahayd Turkishka magaalada Berbera ay hoos keenayaan Ingiriiska sida Manduubka Turkishka ee Berbera Maxamed Xaaji Sharmaarke Xaaji Saalax oo ahaa manduubkii ugu danbeeyay ee Turkishka magaalada Berbera.
====================================================================
Turkishka waxay ka haluuleen Somalia dhamaadkii 1870 ciidmadoodu ka dib markii Mahdiyintii Sudan bilaabeen muqaawamada ay kaga soo hor jeedeen maamulka Ingiriiska , ayagoo Turkishku garab siinayo Ingiriiska sababtaa awgeed ayay ciidankoodii ugala baxeen Somalia si ay dagaalka Sudan uga qeyb qaataan. Dhamaadkii 1880 ayaa Sudan waxa lagu jabiyay hadhaagii ugu danbeeyay ee Mahdist firxad fara badan oo le Mahdiyiin iyo Sunuusisiyiin ( Muqaawamadii Libiya ee Cumar Al Mukhtaar) ayaa caalamka Islaam u kala qaxay. 1887 markay Ingiriisku heshiisayada yaryar een lahayn wax aqoonsi ah la galeen gancsatada Berbera,Karin, Maydh,Shalcow, Laas Qori iyo Zaylac ay ku tilmaameen heshiisyo Qabaail , ayadoo la wada ogyahay inaan 2 nin oo Cali Siciid ah oo Maydh dagan iyo 2 Sacad Yoonis ah oo Shalacow jooga iyo 4 Muuse Care ah oo Maydh jooga aanay matalin reerkay u saxeexeen heshiiska ee Habar Yoonis ,ama, 9 gancasato oo Habar Jeclo oo Cadan jooga aanay matalin Habar Jeclo ( Fiiri heshiisayada Major Hunter ee lagu magacaabay heshiis qabiil iyo Ingiriis).
====================================================================
Waxay Ingiirksu iyo Turkishkaba ka caban jireen bilowgii Isticmaarka xarakada Sanuusi iyo ta Mahdi oo somalia ilaa miyiga ka jirtay oo nimankaas wadaada ah Somalida ku gubaabin jiray inay la dagaalamaan Gaalada . Salaadiinta Sunuusiga iyo Mahdiyiinta aadu soo dhaweeyay 1880-1899kii waxa ka mid ahaa Suldaan Nuur Amaan waagi danbna noqday suldaanka kali ah ee Daraawiishta soo dhaweeyay duulaano fara badna ka qeyb qaatay sida dagaalkii Firdhin oo Dhulbahnate oo gaalo wataan kula hirdameen daraawiishta goobtaas oo ciidanka Ingiiiriska ah oo 350 askari oo Dhulbahnate ah hogaaminayeen:

1-Major Benyon
2-Captain Friedrichs
3-Lieutenant Walsh
Halka ciidanka Daraawiishtana ay hogaaminayeen dagaalkii ugu horeeyay ee Firdhidin :
1- Xaaji Suudi "Darwiish Axmed Warsame" (H.Jeclo)
2- Ina Cabdalle Xasan (Ogadeen)
3- Suldaan Nuur Amaan. (H.Yoonis)
====================================================================
Wax Daraawiish ku sheega dagaal ugu horeeyay kaas Firdhidin waxaba hadii laysku wada qaado mudo ka yarayd 4 sanadood ayuu "ku dhafoo carar" dagaal ah oo tuur tuur ah dhex mareen kooxdii dooxatada ahayd iyo ciidamo somali iyo ciidamo ajnabi.
1- Firdhidin
2-Gumburo
3- Daraatoole
4- Jidbaale oo ugu danbeeyay oo dhamaaday 1904kii.
Mudadaadaa 4taas sandood mooyaane 16 sanadood ee kale Daraawiish sanad kaste qabiilada somalia ayay dagaal boob iyo dhac ah ku qaadi jireen ama qabiilada somali baa ka aar goosan jiray. Dagaaladaas waxa ka mid ah:
1- Dayax Weerar
2- Gunde Gooye
3- Ilko Cad
4- Kal Xoor
5- Gebogabo
6- Ilig Daldala
7- Baladhiig
8-Buraan
9- Hagoogane
10-Caado
====================================================================
Lama odhan karo Daraawiishtu waxay bilaabeen wax cusub, Magaca Daraawiish waa magacii Mahdiyiintii Sudan ay keeneen Somalia dhamaadkii 1880gii, duubka cad/cas iyo dharka Carabtaba Xaaji Suudi oo joogi jiray Sudaan baa ku soo kordhiyay qalabka Daraawiishta, eriga Khusuusi waa eri af Carabi ah oo somalidu taqaanay oo Gurtida gaarka ah ee talada goysa ku tilmaamijireen sidii 7dii Khusuusi ee suldaan Xirsi Amaan 1824-1879 , lamana odhan karo dad aan waxba ogayn bay toosiyeen , somalidu se Gaalka xeebta dagan waxay ka necbaayeen Xabshida galbeedka ka xigta iyo Turkishkii ka horeeyay , oo Gaal xeebta dagan halis weyn umay arkayn.
====================================================================
Kacaankii Maxamed Afweyne oo maal badan u huray taariikh abuuris Gacan Ku Rimis ah oo ujadeedu tahay dooxatadii Daraawiish hala "Daaroodeeyo" oo halaga dhigo halgan reerka Daaroodki ku fanaan Somalida kalana lagu duro.Waxa taariikhdaas loo adeegsaday oo lagu xalaaleeyay somali badan oo Qaranimadu ku fogtay oo aad ugu daacad ahaa Somalinimada sida Xaaji Muuse Galaal iyo abwaano badan oo xumadii 1960gii la fogaatay oo maansooyinkooda ku soo daray dooxatadii Daraawiishta isu bixisay.
Waxa la yaab ah Daaroodkii Daraawiishta ka firdhan jiray oo aad u necebaa dhiig miiratdaas oo gabyaagoodii la jiilka ahaa Daraawiishta 1899-1921 sida:
1- Cali Dhuux Adan Gurayo (Dhulos)
2- Qamaan Bulxan Yuusuf(Ogaadeen)
3- Xarbi Ismaaciil Dheere( Ogaadeen)
4- Bidhiidh( Dhulos)
5- Cilmi Raage (Ogaadeen).
Nina amaanin oo mid kaste ka qabay fikrad ahaan waxay somalida kaleba ka qabto ayaa wixii ka danbeeyay 1974kii marku ninka la yidhaahdo Aw Jaamac Cabdi Ciise ku qaatay qandaraaska xaaraanta ah keydinta iyo qurxinta taariikhdii madoobayd ee Daraawiishta, Akaadimiyada Fanka Iyo Suugaanta kaligii loo xil saaray ,ayaa waxa shaac baxay dabayl jacayl oo Daaroodkii jiillalkan danbe ahaa lagu soo jiitay qabyaalad iyo colaad horin ka dhan ah qabiilada kale Dir , Hawiye iyo Isaaqba , ayadoo ahayad tiirka ka danbeeyay qorista buuga odayga Kaabo Qabiil Aw Jaamac Cabdi Ciise ay ahayd in Daraawiishta la Daaroodeeyo oo xumaantoodii oo dhan laga dhigo "khayr" ay garan waayeen Somalidu wixii ku lidka ahaana laga dhigo Somalida kale oon Daarood ku jirin. Halku odayga Hayaag ee Aw Jaamac Cabdi Ciise ku dadaalayay in aan haba yaraatee wax lagu faano mooyaane inaan wax run ah laga qorin taariikhda Daraawiishta. Aw Jaamac Cabdi Ciise heerku qabyaalad ka gaadhay isagoo reerku ka soo jeedaba 99% Daraawiish ka soo hor jeedeen oo dagaalkii ugu horeeyay ba ayagoo Ingiiriis wato dhex maray dooxatadii Daraawiishta iyo reerk Dhulbahnate oo 350 fardoolay ah oo hogaaminayaan 3 gaal fooda laysku daray tuulada Garoowe u dhow ee Firdhidin, ayaa hadana marna xaqiiqada dhabta ah ee Daraawiishta buugiisa kaga hadal oo mar kaste ka dhigayaa Dhulbahnate inay wada ahaayeen Taabiciiyiin muxaafida ah oo ah askar indho iyo dhago l'a oo Ustaadka ku saliya.
====================================================================
Aw Jaamac Cabdi Ciise 2diisii buug ee Maxamed Afweyne shaanbada kacaanka ugu dhuftay hadii diraasad lagu sameeyo oo la barbar dhigo qoraaladii ugu horeeyay ee Ingiriisku qoray sida:
1- Douglas Jardin ,The Mad Mullah Of Somaliland.
2-In the Grip of the Mullah. A Tale of Adventure in Somaliland.
3- Sun Sand and Somal, Henry Rayne.
Farqiga u dhexeeya qof kaste waa dareemi karaa, markay lid ku tahay ujeedada Daaroodaysan sidii dagaalkii Taleex , markaste Aw Jaamac Cabdi Ciise waa ka leexiyaa xaqiiqada si aanu barnaamijku is burin. Aw Jaamac Cabdi Ciise oo waayadan danbe huwan hulaab Somalinimo burburkii dawladii Maxamed Afweyne ka dib ayaa hada wuxu isku difaacaa inu waagaas u waxan keydinaayay aanu meelo fara badan wax ka eegin oo "jibo" haysay "ama Saar Daraawiish", Aw Jaamac Cabdi Ciise marna ma waraysan Somalidii kale ee Daraawiishta soo gaadhay ama Daraawiishtaba ka mid ahaa sida :
1- Maxamud Daallin (1860-1990)
2- Darwiish Cabdi Warsame "Dheere" 1878-1986.
3- Sheeko Xariir.
Aw Jaamac taas ka sokow marna taariikh ku sheegiisa uma soo adeegsan daliil ka baxsan sheekooyinka odayaasha reerkiisa ah marku soo daliishadana waa mar ay u haboontay oo tiisa u rabo daryeelaysa "selective refrences".

Inkastoo aad loo buunbuuniyo Daraawiish ku sheega oo la yidhaahdo Gaalay la dagalaami jireen 20 sanadood , xaqiiqadu waxa weeyaan wax ka yar 3 sanadood iyo 4 isku tuur tuur oo u badnaa ku dhufo oo ka dhaqaaq bay Daraawiish iyo ciidamadii Somali iyo Ingiriis isku haleeleen. Mudadu dagaalku socday waxay ahayd 1901-1904 dagaalna kama danbayn 1904kii oo Daraawiishtu waxay hoos tageen Muxamiyada Talyaaniga ooy heshiis la galeen ka dibna Duflaal Maxamed Cabdulle Xasan iyo ninkii Daraawiishta u xaajoonayay ee Xaaji Cabdilaahi Shixiri ku dhawaaqeen heshiis ah " I and My People are the Italian people" aniga iyo umadayduba waa umad Talyaani. Halkaas ayuu ku dhamaaday wixii u bixiyay Aw Jaamac Cabdi Ciise "jihaad" isaga iyo odayga Faarax Idaajaa oo isna BBC da ka afuufi jiray Taariikhda Kacaanku jeclaa inay Somalida maqashiiyaan ooy ka dhaadhicyaan , Idaajaa waa ninka ku caan baxay BBC da in u sheeko kaste iyo gabay Kaste u badiyo Daarood oo u xataa marku Daaroodka kale hadal hayo xoogaa yar oo 2 Mareexaan ah ku dhex tuuro oo marmarka qaarkiiba ilaaabo ujeedu u socday 15ka midhidhna kaga dhamaadaan isagoo Faarax Afcad ama hebelo kale oo Mareexaan ah dhex xulaya.
Duluucda qoraalkan ma aha in si faafaahsan aan uga hadlo taariikhdii dooxatada Daraawiish, se ayadoo kooban baan marka hore hordhac ahaan umuyaa u maqashiin ka dibna dhacdaddi Taleex iyo dagaalkii Hagoogane ee ugu danbeeyay ku soo af jari.
====================================================================
Part 1

6 comments:

Unknown said...

Adigaaban taariikh haynin!
Kulahaa habarjeclo Cadan joogta baa ingiriis heshiis la gashay

39 oday dhaqameed oo kasoo jeeda
Beesha Uduruxmiin Muuse ee HJ ayaa ku saxeexay heshiiskaas magaalada
KARIN ee xeebta bariga Berbera 1884
Taariikhda ha kufsan ninkoow dadku waa hayaan taariikhda e

Unknown said...

Wax sax baad isleedahay markaas baad adigu kufsanaysaa taariikhda

Ingiriis ma waxa aad mooday jaahil
Miyuusan dowlad ahayn?
Ma dad aan matalin beelahooda ayuu heshiis la gali lahaa?

Adeer guurtida Muusa Abokor gaar ahaan Uduruxmiin Muuse ayaa ku saxeexay heshiiskaas magaalada KARIN
Iyaga oo ka wakiil ah guud ahaan beelaha habarjeclo

Adigii baaba Daarood kii wax qaribayay ka daray

Unknown said...

Waa ka xumahay inaad waqti igaga lumisay akhriska qoraalkan aad badka soo dhigtay. Waxa aad ka hadashay waa taariikh umadeed oo tixraaceeda leh. Adeer ma aha wax reer leeyahay. Haddaad shakhsi ama reera gaara u ciil qabto sidooda wax uga sheeg adigoon u adeegsan wax aan raad lahayn.
Tan kale haddii aad hayso wax jiilalka soo kacayo anfcaya fadlan wax meel mara soo qor.

Mr Hawd. Sorry what you presented is disgusting and in case you want to try another time please shape your self and be genuine

ahmed Tayyip Mohamud said...

Jaahilnimadu waa tanoo kale.

Ugu horayn Taariikhda baro
Marka xigta si cilmiyaysan wax u naqdi
Hadii kale iska aamus

Jahligana Qabyaaladaa kugu kalifaysee!!

Anonymous said...

M.n isaaq iyo daarood dad taarikh leh

Anonymous said...

Exactly