Friday, February 29, 2008

Duulaankii Dayax Weerar iyo Caalya 1904


Horaantii qarnigii hore (1904) mudo lagu qiyaaso ayaa waxa dhacay weeraar u ku qaaday Wadaadkii Waalnaa iyo budhcad u watay reero Ciidagale ah. Weeraarkas waxa lagu magacaabay "Dayax Werrar" goor habeenimo ah bay ahayd iyo dagaal dhuumasho ah. Goobtaas waxay ku dhaceen dooxatadii la odhan jiray "Daraawiishta" 2000 oo halaad , ninka abaanduulaa ka ahaa geel qaadkana waxa la odhan jiray Shariif Cabdullaahi Shariif Cumar oo ahaa reerka Ashraaf la yidhaahdo.Waxa "oday ka sheekee" ahaan nagu soo gaadhay inu ina Cabdalle Xasan geel qaadkaas ka xumaa oo aanay marna talada ugu jirin in Suldaan Diiriye oo markaas ay xidid ahayeen sidu isagu sheegtay aanu taas ka qabin, inkastoo Suldaan Diiriye annu dhinacna Daarood ka soo gelin , hese yeeshe waxa laga yaabaa in ehelkiisu ka qabeen, wuxu yidhi ina Duuflaalku isagoo ka calaacalaya arinkaas:


Duuflaalkii:


Ciidagale ma daaroo,
an danqabi maayo;
Duubiyey calaamayn,
Diiriyaanu xididnoo;
Dayax weerar jeer hore
rag baa igu dukhuuloo.


Aw Jaamac Cabdi Ciise, Taariikhda Daraawiishta page 29.


Heyssheee geelii ma soo celin, wuxunu kala talaabay Shabeele oo Ogaadeen (Ammaadin) Suldaankooda ayuu Ina cabdilaahi Xasan gabadh ku weydiistay. Suldaankii Ogaadeen ayaa diiday geel ana ahayn geelii Ciidagale laga soo dhacay inu gabadha yarad uga qaato. Wadaadkii waa kala dardaarmoo wuxu yidhi Ciidagale geela waa ka daba iman doonaane geelaa kale qaado. Suldaankii Ogadeen baa yidhi "Ciidagale oo Shabeele noo dhexeeyo halkay ii soo mari " geelii sidaas buu Ogadeen ugu gacan galay.Ciidagale waxay geellii daydayaanba mudu ka dib ayuu Maxamuud Ducaale Suldaan Guuleed soo ogaaday halku geelii ku danbeeyay, Maxamuud Ducaale wuxu ahaa nin taariikh mug ah ku dhex lehaa Isaaqa , wuxu ahaa nin ay rag faro badani ku dhaadan jireen waxay walaalo ahaayen Nuur Ducaale Dhagacun iyo Qawdhan Ducaale , wuxu ahaa nin hada iyo jeer laga bilaabi 1870-1910kii ka dhex muuqan jiray maansooyinka iyo dagaalada , geesigii iyo gabyaagii weynaa ee Xuseen Xasan waa ninku tebey markii Berbera lagu xidhay 1889kii: marku lahaa :


Suldaankiyo cuqaashii miyaan sixin khabaarkayga


Saaxiibkey Maxamuud miyaa seegay marinkiisa


Isagaase xaajada sirgaxan saababayn jiraye


Sahlanaa amuurteydu sow lalama sooyaamo.


Nuur Suldaan Faarax Suldaan Guuleed "Nuur Tayo" ooy isku jiil ahaayeen ayaa waagi u saldanada waayay ee ka dibna la boqray suldaan Diiriye Suldaan Xasan (1877kii) isagoo 15 jir ah , ayaa isagoo saluugsan wiilka yar ee u adeerka u yahay ee laga doortay ayaa isagoo suldaan Diiriye na duraya Ciidagale na la hadlaya isagoo markaas le hadii aan anigu talin lahaa sidan ma noqteen iyo hadii Maxamuud la waayo yaa reerka u talin , wuxu yidhi:


Haday alalegti aniga tahay lama idlaadeene
Geelii irdaha weyn lahaa inaba yaa daajin
Isha baryada yaa idinla tagi arinka liitooba
Maxamuud hadii iilka la dhigo yaa armin doona

Maxamuud wuxu ahaa ninkaas ku caan baxay talada, Maxamuud Ducaale oo d'a ah ayaa ku dardaaramay in geela naawlistiisa looga dhigo abaanduule isagoo waagaas d'a ahaa ,sidii baana loo yeelay . Geelii Webiga daashiisa baa laga soo qaaday Ogaadeenkii , 200 iyo 1000 kale oo dheeraad ah. Geeraarkan dheer ayuu Xaye Galaydh mariyay ka dib markii geela la soo qaaday isagoo kana mid ahaa gaaskii geela soo qaaday. Xaye geeraarkan wuxu kaga sheekaynayaa meelahay geela la soo mareen oo dhan iyo goobahay ku jareen Ogadeenkay geela ka soo maroorsadeen. Geelaas wuxu ahaa geelii la magac baxay "Caalya".


Geeraar waa nin godkiisiyo


Garanaaya higaadiiyo


Nin libaax ku gullaalo


Gabi oodan jafaayoo


Sidii goodir haraadoo


Aar gabnii laga laayoo


Goortii Aadmigu seexday


Guux hadaan ledi waaye


Afartaan isu geeyey


Maan gollaana ka sheego


Iyadoo gallimaadiyo


Naloo geeystay waxyeeloo


Oo gogoshii qaban weynay


Kuwii soo gatay moodka


War ma la noo galbiyeenoo


Faqi noo go'ay maanta


Faran geela ku raagiyo


Gadaanley wada buuxdiyo


Ma la gaadhnay sibraarka


Geeddigii u horeeyey


Goolmadooobiyo Quus


Galabtii ma marnay


Geeddigii ka dambeeyay


Daroor maw gudubnoo


Geela mawgu qalnay


Geeddigii ka dameeyay


Colkiiyoo kala giigoo


Xaajadii gudahiisa


Ninba meel ka goldoonay


Guurtidaanu u soocniyo


Garyaqanku ma fiirshoo


Geesigii Maxamuud


Guddoonkii ma ku deyney


Gaashaan dheeg wiyileedloo


Ma guud saarnay caleentoo


Sidii gaalka Talyaani


Gaardi mayskula meernay


Geeddigii ka dambeeyey


Gigadii Qorituur


Gaado aanu ku laynay


Reer Dhagood maku giirtay?


Geeddigii ka dambeeyey


Gadhka Waadhida-Heela


Awrku maw gelin daaqay


Geeddigii ka dambeeyey


Galka Dhiito dusheeda


Caanihii hasha geydhiyo


Galaan maysku biyeynoogalxood maysla noqdeen


Geeddigii ka dambeeyey


Sida roobka Gu'Soora


Gaatan meel xeradeeda


Ma guulaamo dhaqaaqnay


Geeddigii ka dambeeyay


Geligii Cillanaa


Gaadiidkaanu ku laynay


Gaajadii ma ku reebnay


Geedigii ka dambeyay


Nin doonaa ha gunuufee


Gurmad hayska mareenoo


Ha gees qaado digniintuye


Godka Aw Cali jiifiyo


Kolkaannu Heele? gudbayney


Inaanan gabanaynin


Gunti mayska helnay.


Geeddigii ka dambeeyey


Galbeed masu majiirnoo


Geela naawilidiisa


Guclaroor ma ahayn


Geeddigii ka dambeeyay


XidhGalool ma ahaynoo


Fardaha maw galgalsiinay


Geeddigii ka dambeyey


Galladiid dhinaceeda


Gawaantii la fadhiistay


Geesaa maw kala boodnoo


Goohu maysu baxaayey


Geeddigii ka dambeeyey


Kolkaanu gaanka Hudduudo


Golaneyney biyaa??


Leexadii cirka gaadhay


Galawgu iyo Fiintu


Galiyaay ma ku waashay


Geeddigii ka dambeeyay


Gooradiisa ma qaadnoo


Sidii gaas ma maraynoo


Garbo maw hadhasaneynay


Geedigii ka ambeeyey


Meel guyaal laga raagoo


Baryo ood lagu gooyniyo


Taliskii? dadka gooyiyo


Guuto loogu casuumay


Ma guullay habeennoo


Midhaa maw guranaynay


Geeddigii ka dambeeyey


Gudihii Webigii iyo (Shabeele)


Gudcurkay fadhiyeen


Arrinkaanu gorfaynay


Gaadiidka naga reebiyo


Guul inoogu dhaqaaajiyo


Inoo gaabsha dhawaaqiyo


Guhaad maysku aloosnay


Geeddigii ka dambeeyay


Habeenkaas gidigiis


Gucleroor ma ahayn


Geeddigii ka dambeyay


Kolku waagu guduutay


Annkoo gildhigii iyo


Isu geynay rasaasta


Weerarkii gigta yeedhay


Gurmad aaran kaxeeyoo?.......................


Geeddigii ka dambeeyay


Geelu haysu yimaadee


Xigsin maysku garaacnoo


Ul Galool maku taagnay


Geeddigii ka dambeeyay


Kuwii Goodir liskeediyo


Galxoodkeeda dhamaayay


Geetaan kaanu ka reebnay


Gamiguuu curanaaya


Gega mayska arkeenoo


Madhiinkii gurxamaayiyo


Gooska maysla abaarnay


Goda-xiis dabadeeda


Ma gogleeyey Tukuu


Geeddigii ka dameeyay


Iyadoo Gesiluub?


Gaashaankii nagu raacdoo


Gubad qiiqii la moodo


Durba maysla galcoonoo


Ka Gar mays daba joogtay


Geeddigii ka dambeeyay


Habeenkaa garbiyaay iyo


Gudimooyin u qaatiyo


Guri looma haleelee


Intoo laysu gadaamay


Gardiidkay cararaysay


Gujo mawgu labaynay


Geeddigii ka dambeeyey


Goolibaadhkiyo faylkiyo


Siidhigii gantamaayay


Gaadhba mays dalbanaayey


Geeddigii ka dambeeyay


Habeenkaa gidigii iyo


Gadoobkey Ledo yeedhayiyo


Garridaannu tubanayniyo


Goobo Dhoobiyo baana


Ma gariiray dhulkii


Geeddigii ka dambeeyay


Geelashay dhaqaayeen


Gaajadii ma ku reebnay


Geedigii ka dambeeyay


Ayaxoo gala waabshiyo


Sidii geed timireedka


Iyadoo gudguduudan


Gabnaa loo tirinaayo


Dhaankii mawla galnay


Geeddigii ka dambeeyay


Waa rag soo guddi laabtay


Gabalkoo ...............


Garab-weynta candhaysito


Gannabaa rati qoodh iyo


Gocaydii la lisaayiyo


Gurboodkii yaryaraa iyo


Kolba goosan ma soocnoo


Ma loo goostay qoryaa


Gujiyey oo iska dhaafee


Raga qaar hal godobeediyo


Hanoo geysto canaanoo


Intii gaal na cabiidshee


Gammankii naga oodmay


Rag dagaalka ka guulmiyo


Hana moodo gobtoodoo


Geedaa ... ku yaaliyo


Garxoor haw sahansheeno


Oo ganuunkaan ka jibeeniyo
Kolbay geel ha na jiidhee


Annagooo ganna mooyee


Walee gaadh nabadeed


Baan gudub loo wadaa seexan.

1 comment:

- : عبدالرحمن حسين said...

taariikhda meesha ku quran waa taarkh aad u wacan waleba gabayede arenka ku sabsaneed ino qur