Friday, February 29, 2008

Qamaan Bulxan iyo Xarbi Dheere iyo Gaalkii Caasrhe Dheere iyo baratankii Ogaadeen


Caarshe Dheere ninkay somali u taqaanay ama Sir Geffory Archer

Qamaan Bulxan iyo Xarbi Dheere iyo Gaalkii Caasrhe Dheere iyo baratankii Ogaadeen


Reerka Daaroodka oo u kala baratami jiray amaanka gaalada ayaa , waxa dhacday arin ku ugub ah taariikhda suugaanyahanka somali, taariikhdaas oo ah labada gabyaa ee ugu caansan sooyaalka Maansada Daarood oo kala ah Xarbi Ismaaciil Dheere iyo Qamaan Bulxan Yuusuf, inkastooy isku hal jufo ahaayeen hadana taas kamay hor joogsan tartankay ugu jireen Ingiiriska, ayagoo u kala dheelaya reer Isaaq iyo reer Cabdille ayay mar ay taariikhdu ahayd 1916kii magaala Hargaysa ugu yimaadeen Caarashe Dheere ninkii la odhan jiray oo ahaa
Maamulaa u sareeya muxamiyadii Ingiriiska ee Somaliland, weli laguma hayo duug seebta soomaali , 2 gabayaa oo caan ah iyo reerkooda oo dhaato iyo geeraar ku amaanaya Ingiriiska iyo Isticimaarka,: Waxa u horeeyay ciyaarta iyo dhaanta xarbi Dheere iyo reer Isaaq oo yidhi:

Ban dabeyl uma baahna,
Duudi geed uma baahna
Durdur laas umabaahna
Qoraxadoo duhurjoogtiyo
Dayaxa nuur uma baahna
Dab kuleyl uma baahna
Daad qabow uma baahna
Dixda ceelka Hargaysaiyo
Dalal oon uma baahna
Danley xaas uma baahna
Daarood heyb uma baahna
Sibii duur iyo Hawd
Iyo dareemo uma baahna
Caarshe deeqiyo dood iyo
Dad baad xukuntaaiyo
Daallacaad uma baahna

Dhaantadii reer Cabdille oo u wato Qamaan Bulaxan oo amaanya Ingiriis iyo Caarshe Dheere
ayagoo ka hinaasay Xarabi Dheere oo ahaa reer Isaaq ayaa isna yidhi.
Ninkii cududlaa ciyaari karee
Miyuu Caarshe caawa joogaa
Dhandhaamo codkoodu waa caane
Cir nidhye car yaa cub soo celiya
Caleen iyo ubax carfoon badanbaa
Caarshoo mudan caawa loo sidaye.

Qamaan iyo dhaantadii Ingiiriska ay u ciyaareen ayagoo Daraawiish duraya:

Raggi Qoraxay qalaafoo jiroo
Qamaan u hormood yaahan nahaye
Daraawiish raggii ka diiday colkoo
Dagaal ka horjeediyaan nahaye
Ragaan ka baqayn balaayada oo
Badheedh u beer dhigaan nahaye.
Sidii ololka iftiin badanow
Caarshow wiil amiiraad tahaye
Sidii onkodkii arkaa baxayaa
Dhaandhaamo afkoodii weeyaan
Daraawiish raggii ku duuli jiroo
Deldeler doorarkoodii baanu nahay
Taleex ninka degay ku deyn meynee
Annana waan ku daafacaynaa
Inu Xarbi xoolo gabay cuno
Xalaalnimo kuma istaahilo


Ninkii cududlaa ciyaari karee
Caleen iyo ubax carfoon badanbaa
Caarshoo mudan caawa loo sidaye
Ninkii calan le baa caweyn karayee
Ingiriis cududiisu weynaa

Geeraarkii Qamaan Bulxan u tiriyey Caarshe Dheere
isagaa ka baryaya in mid Ogaadeen ah loo soo daayo
oo ciyaarteeda dhexdeed ka amaanay Duuflaalkii, ingiriisna jeelka dhigeen:

Tiro laysku sargooyoon
Ka saraynin labaatanoo
Siman baanu ahayn
Ma sagaal iyo tobanoo
Sareeyow ku tagnaa?
Sarkaal baad tahay weynoo
Aduunka socodkiisuu
Dhan walba kuula sabeeyo
Maskaxdaad kayar saartee
Samatarkii xalayto
Intu seeraha dhaafay
Wadaadkii la saftay
Saajinkii cawarnaa iyo
Subaygiii la tageen
Saaxiib baanu ahayne
Miyaanu saab ka tagnaa
Abaalkiisa la siiyay
Gacantan aan ku sidno
Sidee baanu u galnaa?

Qamaan Bulxan (Taariikhiyo Maanso)
Muqdisho: Axmed Cabdi Heybe 1980.

No comments: